​Dowladda Somalia oo lagu wareejiyay qalabka hawada

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta si rasmi ah dowladda Somalia loogu wareejiyay qayb kamid ah qalabka lagula socdo hawadda iyo diyaaradaha isticmaala taasi oo qayb ka ahayd wadahadal dhacay sannadkii 2014.

Munaasabad qalabkaasi lagu wareejinayay ayaa lagu qabtay caasumadda Somalia, waxaa arrintaasi fududeynteeda iska kaashaday IGAD iyo hay'adda duulimaadyada caalamiga ah ICAO.

Qalabkan lagu wareejiyay dowladda, ayaa qeyb ka ah heshiis bishii december ee sanaddii 2014-kii ay dowladda Soomaaliya iyo ICAO kala saxiideen, kaasoo lagu hirgelinayo qorshe kama dambeysta Soomaaliya ay kula wareegeyso maamulka hawadeeda.

Qorshahan, waxaa kasoo horjeestay maamulka Somaliland oo sheegay inuu Somalia inteeda kale ka ga'ay.

Dowladda Federalka ayaa dhinaceeda tallabadan soo dhaweysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM