Dowladda Somalia oo maalin qaran u aqoonsatay Mowliidka

Image

24 December, 2015(GO)-Dowladda Somalia ayaa maalinta dhalashada Nabi Muxamed NNKH u aqoonsatay maalin qaran kadib dabaaldag dowladda Somalia kaga qayb gashay magalada Muqdishu.

Arrintan waxaa shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari oo goob joog ka ahaa xafladda isaga iyo mas'uuliyiin kale, wuxuuna bulshada Somaliyeed u soo jeediyay in laga qayb qaato weynaynta maalintan.

Jawaari ayaa u mahadceliyay culimada Somaliyeed ee dadaalka u gashay kor u qaadista bisha Mowliid, isagoo xusay inay tahay maalin u baahan in laga sooco maalmaha kale maadama uu dhashay Nabigeenna NNKH.

Hadalka Jawaari ayaa ku soo beegmay xilli maanta dunida muslimka laga xusay dhalashada Suubanaheenna NNKH.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM