Dowladda Somalia oo maalin qaran u aqoonsatay Mowliidka

Image

24 December, 2015(GO)-Dowladda Somalia ayaa maalinta dhalashada Nabi Muxamed NNKH u aqoonsatay maalin qaran kadib dabaaldag dowladda Somalia kaga qayb gashay magalada Muqdishu.

Arrintan waxaa shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari oo goob joog ka ahaa xafladda isaga iyo mas'uuliyiin kale, wuxuuna bulshada Somaliyeed u soo jeediyay in laga qayb qaato weynaynta maalintan.

Jawaari ayaa u mahadceliyay culimada Somaliyeed ee dadaalka u gashay kor u qaadista bisha Mowliid, isagoo xusay inay tahay maalin u baahan in laga sooco maalmaha kale maadama uu dhashay Nabigeenna NNKH.

Hadalka Jawaari ayaa ku soo beegmay xilli maanta dunida muslimka laga xusay dhalashada Suubanaheenna NNKH.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM