Shakhsi ku lug lahaa dilka wariye ka tirsanaa SNTV oo la soo qabtay

Image

19 December, 2015(GO)-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda Somalia Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa cadeeyay in xukuumaddu gacanta ku soo dhigtay shakhsigii ka dambeeyay dilka ALLAHA u naxariistee wariye Hindia Xaaji Maxamed oo ka howlgali jirtay SNTV.

Waxa uu sheegay wasiir Colaad in laga helay xog badan isla markaana dhawaan la soo bandhigi doono lana wadaagi doonaan shacbiga Somaliyeed. Shacsiga gacanta lagu hayo ayuu xusay inuu qaabilsanaa khidadii lagu dilay Hidiya.

Hidiya ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigeed xilli ay ka soo laabtay Jaamac ay ka dhignaysay magalada Muqdishu, waxaana sidoo kale horay loo dilay saygeeda oo isna ka tirsan Somali National TV.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM