Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WFP oo kala saxiixdey heshiis muhiim ah

Image
Heshiiskan ayaa ku saabsan qeybinta agabka iyo cuunnooyinka aas aasiga u ah badbaadinta nolosha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adda WFP maanta kala saxiixday heshiis aad u muhiim ah.

Heshiiskan ayaa ku saabsan qeybinta agabka iyo cuunnooyinka aas aasiga u ah badbaadinta nolosha bulshooyooinka xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed.

Ujeedka heshiiskan ayaa wuxuu yahay si loogu caawiyo taasoo hoos u dhigi doonta u nuglaanshahooda waxyaleeda korna u qaadi doonta awoodooda la qabsiga cimilada.

Heshiiskaan waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda beeraha Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} iyo Agaasimaha Hay’adda WFP  Soomaaliya uga wakiilka ah  Mudane El-Khidir Daloum.

GAROWE ONLINE

Related Articles