Dowladda Soomaaliya oo amar duldhigtay Ethiopia Airline iyo Fly Dubai

Image
Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa dhambaalkan u dirtay diyaaradanan laga leeyahay Itoobiya iyo Imaaraadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa ku amartay Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines inay magaca Somaliland ka saaraan website-kooda 3 maalin gudahooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda ayaa lagu xusay in haddii diyaaradahan ay fulin waayaan a markan kale ay wayn doonaan ruqsadda inay ku duulaan hawada dalka iyo ku degista Garoomadiisa.

Farriin qoraal ah oo ka soo baxay Hay'adda Duullimaadyada Rayidka ah ayaa shirkaddan Itoobiyaanka ah ku eedeeysay in ay iska dhago-marisay, adeegsiga magaca Soomaaliya oo beddelkeed ay isticmaasho magacyada garoomada ay ku wajahan tahay oo keliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in marar badan ay kulammo la yeelatay masuuliyiin Itoobiyaan ah si arrintan loo xalliyo laakiin aan wax natiijo ah laga gaadhin.

"Haddii aad tixraac u baahataan waxaad fiirin kartaan Application-ka mobile ka ama mareegta Ethiopian Airlines," ayaa lagu yiri farriinta loo diray Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM