Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Image
Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in ay wada hadal la gasho Itoobiya ilaa Addis Ababa ay ka noqoto “Heshiiskii Is-afgaradka (MOU) ee ay Somaliland la gashay.

Dhawaaqa xukuumada Muqdisho ayaa yimid kadib markii qoraal kasoo baxay G7 Jimcihii shalay walaac looga muujiyay is-fahamka, uguna baaqay Itoobiya iyo Soomaaliya inay “ilaalinayaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada.”

"Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka, waxayna aad u doonaysaa inay xoojiso wada-shaqeynteeda G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada Geeska Afrika waarta," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

“Wadahadalka lala yeelanayo Itoobiya waa mid aan la gaari karin ilaa ay ka noqoto heshiiskii sharci darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayna muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madax-bannaanida iyo mabda’a aan faragelinta lahayn ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM