Soomaaliya oo mar kale dunida u soo bandhigeysa kheyraadkeeda dihan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, ayaa 4-ta illaa iyo 8-da November, waxa uu magaaladda Cape Town ee Koonfur Afrika uga qeybgalayaa shir.

Isu-imaatinkaas oo magaciisu yahay Todobaadka Shidaalka Afrika [AOW] ayuu Axmed kaga faa'iideysan doonaa in uu kusoo jiito shirkadaha Shidaalka iyo Gaaska caalamiga ah si ay dalka u maalgeshtaan.

Isla madashasi, wasiirka ayaa la filayaa in uu u adeegsado AOW u soo bandhigida dunida yoolka iyo hadafyadda qaranka ee ku wajahan dhanka Saliida iyo Gaaska, si maalgelin balaaran uga helo aduunka.

"Sanadkan waa mid sumad u ah horumarka Soomaaliya ee kheyraadka dabiiciga ah…Wasaaradu waxay ku guuleysatay in ay si daahfuran ugala shaqeyso maamulada dhanka kheyraadka," ayuu yiri.

Dalka dhaca Geeska Afrika ayaa filaya in lagu sharfo qandaraasyo dhaxal-gal ah. Mar sii horeysay, shirkadaha Shell iyo ExxonMobil waxay qalinka ku duugeen heshiis ay ku bixinayaan kirada xirmooyin.

Sikastaba, ma cadda hadii midkood shirkadaha ay dib ugu laabanayaan dalka, iyadda oo Shell ay shaacisay "in bixinta lacagta aysan saameyn doonin maqaamkooda, taasi oo wali baaqi ku ah booskiisa".

Inkasta oo ay tani jirto, Axmed ayaa waxa uu rajo aad u wanaagsan ka qabaa in maalgelin ay ku bilaaban doonto kheyraadka dihan ee Soomaaliya.

Xog uruurin ay sameeyeen shirkadaha laga leeyahay Britain ee Soma Oil & Gas iyo Spectrum Geo ayaa waxay muujinayan in shidaalka ku jira badda Soomaaliya uu gaarayo 100 bilyan oo fuusto ah.

Hadii la tixraaco tani, waxay ka badan tahay tirada dhowaan laga helay Uganda, Tanzania iyo Mozambique, waxayna la macno tahay in shirkadaha Bariga Afrika ay faa'iidada ugu badan ka heli karto Soomaaliya.

Gabagabadii, Paul Sinclair, agaasimaha shirkada ee arrimaha xiriirka dowladaha ayaa sheegaya in ay dhow ugala shaqeyn doonan Soomaaliya dhanka horumarinta wax soo saarka dhinaca Saliida iyo Gaaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM