Dowladda Soomaaliya oo hadal kasoo yeeray Itoobiya ku tilmaantay ‘riyo maalmeed’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaamay ‘riyo maalmeed’, isaga oo intaa ku daray in heshiiskaasi aanu dhaqan geli doonin mar haddii aanay Soomaaliya oggolaanayn in lagu xad-gudbo ‘midnimadeeda dhuleed’.

Somaliland oo ah gobol kamid ah Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Itoobiya 1-dii January 2024, kaas oo dhigaya in dalka aan badda lahayn uu helo 20 KM oo badda cas ah oo laga dhisayo Saldhigga Ciidanka Badda iyo Dekedda, taas oo arin ay muddo dheer ku taamaysay.

Taas beddelkeeda, Somaliland waxa ay Itoobiya u aqoonsanaysaa dal madax bannaan, tallaabadaas oo sii kicisay xiisadda gobolka.

Wasiirka, oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeysanaya in Taako ka mid ah dhulka Soomaaliya aan qaadan doonin Itoobiya.

“Itoobiya way ogtahay inaysan qaadan karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Marka qof riyooda isagoo soo jeeda, natiijadu waa la saadaalin karaa, "ayuu yiri Wasiirka.

Dabayaaqadii todobaadkii hore, wasiiru-dawlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya Tarekegn Bululta waxa uu ku baahiyey baraha bulshada in uu ku kalsoon yahay in Itoobiya aqoonsan doonto Somaliland, tallaabadaas oo sii xaqiijinaysa culayska ay leedahay arrintan.

“Waxaan ku kalsoonahay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan,” ayuu yiri Tarekegn.

Heshiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya u ogolaanaya inay hesho badda ayay Soomaaliya u aragtay mid xad-gudub ku ah qaranimadeeda.

Muqdisho waxay heshiisyo milateri la gashay Ankara, oo 10 sano ah, kaasoo lagu difaacayo badda. Wadamada Geeska Afrika ayaa meesha ka saaray in ay wax kulan ah la yeelan doonaan Itoobiya ilaa inta heshiiska Somaliland laga baxayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM