Dowladda Soomaaliya oo heshiis isafgarad la saxiixatay Hey’adda Interpeace

Image
Heshiiskan ayaa xiriir la leh nabad-dhiska iyo Hanaanka Dib u heshiisiinta.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hey’adda Interpeace ayaa maanta kala saxiixday heshiis isafgarad oo la xiriira nabad-dhiska, waxaana heshiiska saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Itonde Kakoma oo ah Madaxa hay’adda Interpeace.

Heshiiskan ayaa xoojinaya howlaha kor loogu qaadayo isdhexgalka bulshada, wada noolaashiyaha, soo kabashada iyo guud ahaan arrimaha dib u heshiisiinta.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay iskaashaadaan awoodsiinta bulshada qeybaheeda kala duwan iyo hey’adaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha nabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay waxa uu ka dhigan yahay isafgaradkan, isaga oo yiri:

“Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan aan la yeelaneyno Interpeace, oo ah suurogelinta bey’ad ku habboon nabadda, iyada oo laga duulayo tiirarka hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, taas oo muhiim u ah Xasillinta Soomaaliya”.

Docda kale, Madaxweynaha Interpeace Itonde Kakoma ayaa ka hadlay ahmiyadda heshiiskan oo sheegay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo ku aadan Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM