Dowladda Soomaaliya oo heshiis saameynaya Maamulada la gashay EU

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya, gaara ahaan Wasaarada Amniga Gudaha ayaa la gashay Midowga Yurub heshiis ku kacaya aduun lacageed oo dhan 40 Milyan oo Dollar Mareykanka ah, maanta Isniin ah.

Munaasabadda lagu saxiixayey heshiiska oo ka dhacday xarunta Midowga Yurub ee Muqdisho oo ku dhex-taalla Xalane, ayaa waxaa goobjoog ahaa mas'uuliyiin sare oo ka kala socday labadda dhinac.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuuker Ducaale Islow ayaa maanta Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliya Heer Federalka iyo Heer Dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya. 

Barnaamijkan dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya dalalka Midowga Yurub, oo ay kamid yihiin Ingiriiska iyo Jarmalka oo ka mid ah Dalalka sidan gaarka ah u taageerta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Lacagtan 40-ka Milyan oo dollar ayaa waxaa loogu talagay in lagu kaabo dedaalada dib u dhiska ciidanka Booliska labaduba - heer Federaal iyo dowlad goboleed.

Wasiir Islow oo goobta ka hadlay, isagoo magaca dowlada ku hadlayey wuxuu uga mahad-celiyay Midowga Yurubtaageeradooda wax ku oolka ah, isagoo sheegay inay yihiin saaxiibow si dhaw ula shaqeeya Soomaaliya.

Dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa waxay yihiin kuwa inta ugu badan ee lacagtaan bixinaya, inkastoo ay jiraan dalal kale, balse waxay usoo marinayaa dhamaantooda Midowga Yurub.

Peter De Clercq, oo qudhiisa halkaas kalmado kooban ka jeediyay wuxuu balanqaaday inay sii wadi doonan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuux saday in lacagtaan ay rajeynayaa inay sameyso ciidamo Boolis Soomaaliyeed oo xoog leh.

Heshiiskaan maanta lagu kala saxiixday caasimada Soomaaliya wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Shirkii Amniga ee Baydhabo kusoo dhamaaday Lix maalmood ka hor qodobadii kasoo baxay ay kamid ahaayeen in la xoojiyo dhisitaanka ciidamada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Dirtay Hindiya iyo Pakistan xilli Xiisaddu Kacsan Tahay

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay magaalada Pahalgam ee ku taalla Kashmir ee ay maamusho Hindiya.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 09:22AM