Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Image
Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjire Abukar Abdi Osman Safiirka Soomalaiya ee dalka ahna Hormuudka Safiiradaha dalalka Africa ahna K/xigeenka Hormuudka Safiiradaha dalalka Caalamka fadhigoodu yahay dalka Malaysia ayaa booqasho sharfeed ugu tagay Safiirka dalka Yemen Dr Adel Mohamed Bahamid ahna Dean Safiirada dalalka Arabta fadhigoodu yahay dalka Malaysia.

Labada Danjire ayaa ka wadahadleen xiriirka qotada dheer u dhaxeeye labada dal Somaliya iyo Yemen iyo xiriirka wadashaynta labada Safaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Safaaradaha dalalka Carabta oo fadhigoodu yahay dalka Malaysia.

Gabagebadii, Danjire Abukar Abdi Osman wuxuu ugu mahadceliye Danjire Dr Adel Mohamed Bahamid sidii walaaltinimo uu ugu soo dhoweeye Safaaradda Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM