Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Image
Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjire Abukar Abdi Osman Safiirka Soomalaiya ee dalka ahna Hormuudka Safiiradaha dalalka Africa ahna K/xigeenka Hormuudka Safiiradaha dalalka Caalamka fadhigoodu yahay dalka Malaysia ayaa booqasho sharfeed ugu tagay Safiirka dalka Yemen Dr Adel Mohamed Bahamid ahna Dean Safiirada dalalka Arabta fadhigoodu yahay dalka Malaysia.

Labada Danjire ayaa ka wadahadleen xiriirka qotada dheer u dhaxeeye labada dal Somaliya iyo Yemen iyo xiriirka wadashaynta labada Safaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Safaaradaha dalalka Carabta oo fadhigoodu yahay dalka Malaysia.

Gabagebadii, Danjire Abukar Abdi Osman wuxuu ugu mahadceliye Danjire Dr Adel Mohamed Bahamid sidii walaaltinimo uu ugu soo dhoweeye Safaaradda Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM