Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn lala eegtay Al-Shabaab

Image
Dowladdu ma aysan cayimin tirada maleeshiyada looga dilay duqeyntaasi, balse waxay xustay in kooxdaasi uu khasaare xooggan soo gaaray.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Isniintii ka dhacday deegaanka Baraag Garguurte oo kamid ah tuulooyinka ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaanka la duqeeyay ayaa qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Federaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa maalmihii la soo dhaafay la beegsaday goobo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Maalmahan Khawaarijtu waxay deegaanka soo gelinayeen gaadiid, duqeynta waxaa lagu burburiyay gaadiid ciidan, waxaana lagu dilay xubno ka tirsan argagixisada, sidoo kale waxaa lagu gubay saddex gaari,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladdu ma aysan cayimin tirada maleeshiyada looga dilay duqeyntaasi, balse waxay xustay in kooxdaasi uu khasaare xooggan soo gaaray.

Weerarka ka dhacay Baraag Garguurte ayaa waxa uu kusoo beegmaya iyadoo inta badan deegaanada koonfurta gobolka Mudug ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM