Dowladda Soomaaliya oo ku gacan-seyrtay xeer la horgeeyay IGAD

Image

ENTEBBE, Uganda – Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay xeer uu qalinka ku duugi lahaa Urur Goboleedka IGAD, sidda lagu daabacay wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda.

Diidmadda ayaa waxaa xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ku wehliya dalka ay xuduuda wadaagaan ee Itoobiya.

Sharcigaas ayaa ujeedkiisa waxaa lagu qeexay in xoolaha dalalka xubinta ka ah ururkaas ay daaqsin ka raadsan dal walba isuguna gudbi karan xuduudaha, si shuruud la'aan ah.

Dowladda Uganda, oo wehlineysa dhigeeda Kenya ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay gedaal ka riixayaan qaraarkaas.

Fadhi ay safiiradda dalalka Khamiistii ku yeesheen magaaladda Entebbe ee Uganda laguna waday in lagu saxiixo sharciga ayaa fashilmay.

"Itoobiya iyo Soomaaliya waxay sheegeen in maadaama nidaamka federaalka ay leeyihiin ay u baahan yihiin wada tashiyo ay maamulada lasoo yeeshaan," ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed, safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti.

Sidda laga soo xigtay danjire Maxamed, labadda dowladood ee qaadacay xeerka ayaa haysta min laba bilood si ay go’aan uga gaaraan.

Sidda qaramadda kale, Soomaaliya iyo Itoobiya, oo xoolaha uu u yahay il-dakhli oo muhiim ah ayaa diidmadooda ku saleeyay qodobo qaar oo aan lasoo bandhigin.

Urur Goboleedka IGAD oo la aas-aasey Janaayo 1986-dii ayaa waxaa xubin ka ah wadamadda; Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Soomaaliya, Sudan, Suudaanta Koonfureed iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM