Dowladda Soomaaliya oo markale iclaamisay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha milatariga Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe] ayaa sheegay in Al-Shabaab ay "ka qoomameyn doonto" dilkii ay ugeystay Taliyihii iyo Abaanduulihii qaybta 12-ka April ee ciidanka xooga dalka.

Taliyihii qeybta 12-ka April Janaraal Cumar Dheere iyo abaanduulihii isla qeybtaasi Cabdi Cali Jamaame ayaa ku geeryooday weerar Jidgal ah oo Khamiistii lagula beegsaday meel ku dhow tuulada Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dheere oo xilal kala duwan soo qabtay – Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, iyo Xanaanada Xoolaha, Xilldhibaan [2004-12] ayaa meydkiisa iyo midka Cali Jamaame lagu aasay Muqdisho, Jimcadii.

Madaxa kala duwan oo ay ku jiraan Madaxwayne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre, Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida oo uu kamid yahay Indha-qarshe ayaa Salaada Janaasada kula tugaday Masjidka Madaxtooyadda.

Indha-qarshe oo markaasi kadib la hadlay warbaahinta wuxuu fariin Hanjabaad ah uu udiray xoogaga Al-Shabaab, isaga oo ku dhawaaqay dagaal aargoosi ah oo ka dhan ah kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Markii ay la dagaalami waayeen inay Qarax fulaynimo ah Jidka udhigeen…Wayna ka shalay doonan,” ayuu Indha-qarshe yiri xili uu intaasi ku daray “Waanu u aargudi doonaa saraakiisha ay naga dileen.

Taliyaha milatariga Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu udiray ehelada, asxaabta iyo si gaar ah qoyskiisa ay ka tageen Jenaraalladda iyo Askartii todobadda lahayd ee la dhimatay.

Cumar Dheere oo ku dhashay magaalada Beled-wayne ayaa kamid ahaa saraakiishii dowladii Siyaad Barre ay udirtay dalka Ruushka, isaga oo ahaa Khabiir dhinaca ciidanka oo meelo kala duwan kasoo dagaalamay.

Lix caruur ah, kuwaasi oo ay udhashay hal Xaas, qaar koodna ay qaan-gaar yihiin, ayuu ka tegay marxuumka, kuwaasi oo Xilldhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo Gollaha Shacabka ka tirsan shaaciyay inay garab-taagan yihiin.

Qaybta 12-ka April ee ciidanka xooga Soomaaliya oo kamid ah Guutooyinka ugu fir-fircoon ee Milatariga dalka ayaa ka howlgasha goboladda, Shabeellaha Hoose, Dhexe iyo Banaadir, xili ay dhowr dagaal la galeen xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM