Dowladda Soomaaliya oo rajaynaysa in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Somaliland

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbad ka jeediyay Madasha Argati Wadaagga Sanadlaha ah Machadka Heritage.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Khudbad uu ka jeediyay Madasha Argati Wadaagga Sanadlaha ah Machadka Heritage kaga hadlay Xiisaada a dhaxaysa Itoobiya & Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay taliska maamulka Somaliland, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay danaynayso nabad ku wada noolaasho.

Mudane Xamsa Cabdi Barr ayaa intaasi ku daray in ka dowlad ahaan marnaba aysan aqbalayn in lagu xad gudbo madaxbannaanida Soomaaiya.

“Wali waxaan rajo ka qabnaa in Ethiopia ay ka noqo doonto heshiis beenaadkii aan sharciga ahayn, anaga waxaa naga go’an in dariskeena aan kula noolaano Nabad laakiin ma aqbaleyno ku xadgudubka Madaxbanaanideena”. Ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay caqabadaha gobolka ka jira oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka kooxha argagixisada, abaaraha, daadadka, waxaana kusoo kordhay damaca shisheeye, taas oo looga bixi karo heshiis bulsho iyo xoojinta dowladnimada sida uu sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM