Dowladda Soomaaliya oo saacado xayirtay duulimaadyadii Baydhabo

Image
Go’aankan ayaa si degdeg ah loo bedelay, iyadoo markii dambe fasax loo siiyay shacabka in ay raacaan diyaaradahaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaka, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay duulimaadyadii shacab ee ku wajahnaa magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aankan ayaa si degdeg ah loo bedelay, iyadoo markii dambe fasax loo siiyay shacabka in ay raacaan diyaaradahaas.

Sidoo kale, waxaa garoonka diyaaradaha la geeyay magacyada qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed, si ay u xannibaan in ay dhoofaan mustaqbalka dhow.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanadani ay damacsan yihiin inay ka qeybgalaan kulan uu iclaamiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Laftagareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM