Dowladda Soomaaliya oo sameynaysa sharci la xiriira aaladda AI

Image
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya ayaa qaddiyadan kala hadlay madaxda Ururka ITU.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Cali (Soomaali) oo ka qeybgalaya Madasha Isgaarsiinta Caalamka oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Doreen Bogdan-Martin Xoghaayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiirigalinta kor uqaadista xirfadaha Dhijitaalka, Sara u qaadista ICT-da iyo sidii Sharciyo iyo habraac looga samenynlahaa Maamulka Garaadka Macmalka IA maadaama si xolwli uu ku socdo.

Mr Soomaali ayaa Xoghaayaha guud ee IT la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada xilligaana xooga la saaraayo xirfadaha Dhijitaalka.

"Wasaaradda waxa ay go'aansatey in ay kor u qaaddo xirfadaha dhijitaalka, dhallinyarada waxaa la siinayaa tababar ku saabsan xirfadaha lagama maarmaanka u ah Suuqa Shaqada dhijitaalka," ayuu yiri wasiir Soomaali.

Wasiirka Isgaarsiinta ayaa dadaal ugu jira dardargalinta Casriyeenta Nidaamka dowliga iyada oo xooga la saaraayo dhijitaalka iyo adeega e-commerce iyo e-government oo xilligaan baahi weyn loo qabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM