Dowladda Soomaaliya oo sheegatay "dilka 50 xubnood AS ah"

Image
Howlgalkan ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniintii waxa ay sheegtay in duqeyn diyaaradeed ay ku dishay in ka badan 50 ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow degmada Xarardheere ee maamulka Galmudug.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in howlgalkan ay iska kaashadeen “saaxiibo caalami ah”. Garowe Online si madax banaan uma xaqiijin karo tirada khasaaraha ee ay dowladdu bixisay.

Howlgalkan ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS dhamaadka sanadkan.

Iyadoo uu sii socdo dhimista ATMIS-ka, dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in Midowga Afrika uu hoggaamiyo ciidamo caalami ah oo bedeli doona howlgalka ATMIS ee hadda jira.

Howlgalka cusub ee caalamiga ah ayaa ka howlgali doona Soomaaliya hal sano laga bilaabo Janaayo 2025.

Bayaan uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan soo jeedinta dowladda federaalka ee ku aadan in Soomaaliya laga hirgeliyo ATMIS ka dib.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan qaabka ay noqon doonaan ciidamadaasi iyo dalalka ay ka qeyb qaadan doonaan.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Xuseen Sheekh Cali, ayaa wareysi uu siiyay VOA Somali bishii Febraayo, wuxuu ku sheegay in howlgalka uu ka koobnaan doono "ciidamo isku-dhaf ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM