Dowladda Soomaaliya oo sheegatay "dilka 50 xubnood AS ah"

Image
Howlgalkan ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniintii waxa ay sheegtay in duqeyn diyaaradeed ay ku dishay in ka badan 50 ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow degmada Xarardheere ee maamulka Galmudug.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in howlgalkan ay iska kaashadeen “saaxiibo caalami ah”. Garowe Online si madax banaan uma xaqiijin karo tirada khasaaraha ee ay dowladdu bixisay.

Howlgalkan ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS dhamaadka sanadkan.

Iyadoo uu sii socdo dhimista ATMIS-ka, dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in Midowga Afrika uu hoggaamiyo ciidamo caalami ah oo bedeli doona howlgalka ATMIS ee hadda jira.

Howlgalka cusub ee caalamiga ah ayaa ka howlgali doona Soomaaliya hal sano laga bilaabo Janaayo 2025.

Bayaan uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan soo jeedinta dowladda federaalka ee ku aadan in Soomaaliya laga hirgeliyo ATMIS ka dib.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan qaabka ay noqon doonaan ciidamadaasi iyo dalalka ay ka qeyb qaadan doonaan.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Xuseen Sheekh Cali, ayaa wareysi uu siiyay VOA Somali bishii Febraayo, wuxuu ku sheegay in howlgalka uu ka koobnaan doono "ciidamo isku-dhaf ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM