Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Image
Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay dilka hogaamiye sarre ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, horjoogahan oo sawirkiisa aanan wali lasoo helin ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Xaaji Eenoow.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomalaiya ayaa faafiyay in Cabdulqaadir Xaaji Eenoow uu ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

"Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa caawa lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose," ayuu yiri TV-ga dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Taliyaha ururkaas Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta dhagarqabahaan ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn, iyagoo caawa ku guuleystay inay khaarajiyaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM