Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka iyo qabashada xubno AS ah

Image
Howlgalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtey 13-kale oo ka tirsanaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, sidda ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtey 13-kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.

"Maleeshiyaadkaan Al-Shabaab ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan," ayaa lagu yiri war kasoo baxay xukuumadda

Bayaanka ayaa waxa uu intaas kusoo gabagaboobay: "Ciidanka ammaanka oo ka war helay isku dayga cadowga khawaarijta ah ayaa weerar qorshaysan ku soo afjaray isku daygii boob ee kooxdaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM