Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka iyo qabashada xubno AS ah

Image
Howlgalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtey 13-kale oo ka tirsanaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, sidda ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtey 13-kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.

"Maleeshiyaadkaan Al-Shabaab ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan," ayaa lagu yiri war kasoo baxay xukuumadda

Bayaanka ayaa waxa uu intaas kusoo gabagaboobay: "Ciidanka ammaanka oo ka war helay isku dayga cadowga khawaarijta ah ayaa weerar qorshaysan ku soo afjaray isku daygii boob ee kooxdaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM