Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Imaaraadka [Sababta + Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiga Soomaaliya, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Safiirka ayaa looga yeeray xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Abdulkadir Axmed Kheyr Cabdi.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dhowr arrimood oo uu kamid yahay heshiiska Somaliland iyo DP World ee la xiriira dekedda magaalada Berbera.

Abdulkadir Axmed Kheyr Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya aysan aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka Carabta ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go'an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa.

Kulankan ayaa yimid xilli labada aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhawaan ansixiyeen qaraar dalka looga saarayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka.

Go'aanka Baarlamaanka ayaa loo gudbiyay Farmaajo, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Xildhibaanada ay culeys ku saarayaan Madaxweynaha inuu saxiixo qaraarka si uu u noqdo dhaqan-gal.

Xukuumadda Federaalka ayaan wali ka hadlin mamnuucida DP World laga mamnuucayo inay kasii howlagasho Soomaaliya, iyadoo heshiiska Berbera lagu saxiixay Dubai horaantii bishan xili uu Ra'iisul Wasaare Khayre ku suganaa dalka Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa wali iyana ka aamusan go'aanka Baarlamaanka Soomaaliya, marka laga reebo in Gudoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmad Bin Sulayem kaasi oo sheegay in dowladda Federaalka aan waxba ka galin heshiiska ay la galeen Somaliland.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo Wareysi siiyay VOA ayaa shaaciyay in Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex aloosan Gollaha Shacabka uu sabab u yahay go'aankii ay kasoo saareen DP World.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay in xitaa sababta Mooshinka looga soo gudbiyay uu la xiirirto arinta DP World, maadaama ay Xukuumadda Khayre rabtey in go'aanka loo dhigo si kale, oo midka hadda lasoo saarey ka duwan.

Gollaha Shacabka ayaa khilaaf xooggan madaxa la galay, wixii ka dambeeyay fadhigiisii ugu horeeyay ee Kalfadhiga 3aad lagu furay kadib markii ay meel-mariyeen Xildhibaanada qaraarka ka dhanka ah DP World.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM