Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saareysa xubno maalgeliya kooxda AS

Image
Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada ayaa lagu soo bandhigay liiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay warbixinno ku saabsan hannaankooda shaqo, guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada, iyaga oo soo bandhigay Shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Khawaarijta iyo nabad kusoo dabaalidda dalka, isaga oo faray mas’ulliyiinta ku mideysan Guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM