Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saareysa xubno maalgeliya kooxda AS

Image
Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada ayaa lagu soo bandhigay liiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay warbixinno ku saabsan hannaankooda shaqo, guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada, iyaga oo soo bandhigay Shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Khawaarijta iyo nabad kusoo dabaalidda dalka, isaga oo faray mas’ulliyiinta ku mideysan Guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM