Soomaaliya oo xiriirka diblomaasiysadeed u jartay Guinea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Guinea markii maalmo kahor uu caasimadiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyay go'aanka, isagoo sheegay in Guinea ay ku xad-gudubtay madaxbanaanida iyo midnimada dalka, waxaana uu uga digay dalalka kale inay tallaabadaasi oo kale ku dhaqaaqaan.

Go'aankan ayaa kasoo baxay kulankii maanta oo Khamiis ah yeesheen Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay Villa Soomaaliya, iyadoo tallaabadan la sugayay maalintii shalay, balse dib loo dhigay.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ku tilmaantay Somaliland "dal", waxaana wasiirka arrimaha dibadda wadankan Monica Juma ay difaacday go'aankaasi.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa dhextaala xurguf dhanka xuduud dhul badeedka ah, taasi oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay go'aan ka gaareyso bisha Septermber ee sanadkan.

Wadamadan deriska ah ayaa waxaa isku haysta goob badkeeda lagu sheegay 100 kilometer, halkaasi oo la tilmaamay in ay hodan ku tahay noocyo kamid ah kheyraadka sida shidaalka iyo Gaaska.

Talaabadan xiriirka loogu jaray Guinea ayaa noqonaya go'aankii labaad ee ugu cuslaa oo ay xukuumadda Muqdisho ka qaadato dhanka diblumaasiyada kadib eryidii wakiilkii Qaramada Midoobay.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM