Dowladda Soomaaliya: Wadahadalka Ankara waa lagu kala aragti duwanaa

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa war-saxaafadeed kasoo saartey kulanki Itoobiya ee Turkiga qabtey.

ANKARA, Turkey - Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan.

Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi war-murtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga.

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo  in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan.

"Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Dawladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM