Dowladda Turkiga oo markab kale usoo dirtay Soomaaliya

Image
Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga waxaana uu usoo gaari doonaa Muqdisho dhowaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnad Gargaar ah, kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar, waxana uu ku yimid dalab dhawaan hay’adda SoDMA u dirtay dalkaas.

Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah bisha cas Turkiga (Kızılay ) iyo Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).

Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM