Warbixin: Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo oo sannad jirsatay
MUQDISHO, Soomaaliya- Hal sano ayaa u buuxsantay xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo talada dalka qabatay 08 Febraayo sannadkii 2017.
Maamulkan oo taageero badan ku leh shacabka Soomaaliyeed ayaa sameeyay ballanqaadyo kala duwan waqtigii uu loollanka ku jiray iyo markii uu talada qabtay intaba, waxaana arrimaha uu sheegay inuu wax ka qaban doono kamid ahaa; Cadaaladda, Musuq-maasuqa, Amniga, la dagaallanka Al Shabaab iyo soo celinta rajada shacabka.
Inkastoo ay jirto hal sano oo ay waqtigeedii ka dhimantahay muddo 3 sano, waxaa jira waxyaabo badan oo lagu tallaabsan halka dhinaca kale dhacdooyin xasuus reebay dalku soo maray mudadii ay jirtay dowladda Farmaajo.
Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo hal ku dhag ka dhigatey Nabad iyo Nolol ayaa howlihii ay qabatey waxaa ugu horeeyey iyadoo sheegtey in amniga wax ka qabaneyso gaar ahaan kan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxayna adeegsatey howlgal ay ugu magac dartey "Qorshaha Xasilinta Caasimadda Muqdisho", iyadoo la sameeyey hub ka dhigis kooban iyo howlgallo joogta ah, laakiin taasi lama macno noqon in amniga Xamar noqdo mid 100% buuxa.
Dowladdan waxay sidoo kale hormar ka gaartay howlgalinta xarumihii xuduudaha, qaadista Kantaroollo sharci darro ah oo la dhigay qaybo kamid ah Muqdisho, Heshiisiinta Maamullada Galmudug iyo Ahlu sunna, dhameystirka soo wareejinta maamulka hawadda Soomaaliya, soo celinta maxaabiis muddo dheer Xabsi kaga jirtay Ethiopia iyo Hindiya, dar-dargalinta qorshaha isku dhafka ciidamada Qaranka oo weli qabyo ah, Bixinta Mushaharaadka, Anisixnta Shuruuc ay ku jirto Midka lagu maamulayo Is-gaarsiinta.
Dowladda uu horkacayo Farmaajo, waxay sidoo kale dedaal ka gaysatay gurmadkii Abaartii dalka soo martay ee SIMA iyo Qaraxii Zoobe iyadoo kaashanaysa shacabka iyo beesha caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadey sidoo kale talaabo aysan ku talaabsan madaxdii ka horeysay isagoo booqasho dhulka ah ku marey maamulada Puntland iyo Galmudug taasoo dadka la socda siyaasada aaminsan yihiin iney waxbadan oo xog u kordhisay ayna ka caawini doonta shaqada uu hayo mudada u hartey.
Inkastoo guulahaas ay jiraan, hadana waxaa jirta qodobo tiirarka koowaad ugu jiray dowladda Farmaajo oo aan wali wax fiican laga qaban sida in dowladdu gacanta ku dhigto guud ahaan dalka islamarkaana ka saarto kooxda Al Shabaab, waxaana wali jira qaraxyo iyo dilal toos ah oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.
Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa qaraxii Zoope kadib sheegey in guluf colaadeed ku qaadi doona kooxaha Al-shabaab meel kasta ay joogaan gaar ahaan kuwo Koonfurta qorshhaas lama garanayo halka uu ku dambeeyey.
Dhinaca kale waxaa jiray dhacdooyin Taariikhda galay mudadii ay jirtay xukuumadda Nabad iyo Nolol, waxaana kamid ah Qaraxii lagu halaagsamay ee ka dhacay Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, Dilkii wasiirkii dib u dhiska dalka Siraaji Sheekh oo weli xukunkii lagu ridey gacan ku dhiiglaha lagu fulin taasoo loo arko in dowladu karti u laheyn iney dareenka qabiilka ka hormariso fulinta sharciga, Dhiibistii Cabdikariim Qalbi-dhagax oo dowladu aysan marin hay’adihii muhiimka u ahaa iyo khilaafaadkii ka dhashay doorkii DFS ka is-taagtay arrimaha Khaliijka.
Sidoo kale waxaa mudadii ay dowladdan xafiiska joogtay shaqada iska casilay dhowr wasiir oo ay kamid ahayd Wasiirkii Gurmadka masiibooyinka Marwo Maryama Qaasim iyo wasiirkii Awqaafta halka shaqada laga qaadey Wasiiro kale taasoo muujinaysa wadashaqeyn la’aanta Xafiiska Ra’isal wasaraaha iyo mas’uuliyiinta kale halka shaqada laga cayriyay Taliyaal Ciidan oo tiro badan iyo Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo ahaa mas'uulkii ugu dambeeyay ee sannadkii la soo dhaafay xilkiisa waaya.
Dadka falanqeeya Arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxay aaminsanyihii hadii xukuumadda oo la kulantay waqtigeedii ugu horeeyay mucaarad xooggan fursad loo siiyo waqtiga u haray inay siyaasadeeda ku dhaqanto islamarkaana tixgalin siiso shacabka iyo siyaasiyiinta inay guul ka gaari karto ajandayaasheedii Siyaasadeed ee ay dalka la timaaday.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Khayre ayaa la filayaa inay ka hadlaan wixii u qabsoomay sannad kadib iyo waxyaabaha ay ku talo jiraan inay qabtaan waqtiga u haray.
GAROWE ONLINE