Dugsi loo dhisay agoonta ciidanka booliska Soomaaliyeed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Agoonta Booliska Soomaaliyeed ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha, 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqasho ku tagay  xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan.

Rooble ayaa, sidda uu shaaca ka dhigay xafiiskiisa warfaafinta, wuxuu amar ku bixiyey in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM