Duqa Muqdisho oo 'arin khaldan' ka sameeyay Shirka Garowe [XOG]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Duqa Muqdisho, ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaa shalay ka sameeyay Shirka Wadatashiga ee ka furmay Garowe arin khalad iyo gef ay u arkeen, islamarkaana ka careysiiyay Madaxda dowlad Goboleedyada.

Madaxda shanta dowlad Goboleed ee ka qeybgalaysa Shirka ayaa ku qabsaday C/raxmaan Yariisow erey-bixin uu u adeegsaday qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter, oo hoos ugu dhigay maqaamka Dowlad Goboleedyada dalka [Statehood].

Illo ku dhaw Shirka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in madaxweyniyeyaasha dowlad Goboleedyada qaarkood ay soo jeediyeen in duqa Muqdisho laga saaro gebi ahaanba madasha, kadib markii uu ku sheegay Twitter-kiisa in Farmaajo uu la kulmay hogaamiyaasha gobollada.

"Soomaaliya horey ayay u socotaa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta [May 5, 2019] ayaa shir gudoomiyay Shir wadatashi ah oo uu la yeeshay hogaamiyeyaasha gobollada, wadahadallada waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamida arrimaha ugu waaweyn dalka, sida qabashada doorasho qof iyo cod ah 2021," ayuu ku yiri Eng Yariisow qoraalkiisa.

Duqa waxaa la sheegay in la siiyay digniin ah inuusan sameynin wax tweet ah ama qoraal uu soo dhigo Twitter-ka oo ku saabsan arrimaha looga hadlayo Shirka, illaa laga soo saarayo war-murtiyeedka ugu dambeeya.

Eng Yariisow ayaa ku matelaya Shirka Garowe gobolka Banaadir, oo uu gudoomiyaha ka yahay, halka Madaxda kale ay ka socdaan dowlad Goboleedyada iyo dowladda Dhexe.

Kulankii shalay ayaa ahaa mid hordhac ah, madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaa maanta guda galaya ka hadalka arrimaha taagan iyo qodobada la isku khilaafsan yahay, oo ay ugu horeeyaan Xeerarka doorashooyinka iyo Batroolka.

Macluumaad hoose oo uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay doonayaan in la joojiyo xeerkii la ansixiyay ee aan wadatashiga lagala sameynin, sida kuwa Doorashooyinka iyo Batroolka.

Dhamaadka Shirka, waxaa la filayaa inay madaxda dalka soo saareen war-murtiyeed ku xusan qodobada lagu heshiiyay ama la isku afgartay Shirka Garowe, ee uu martigelinayo Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid C/llaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM