Duqayn xoogan oo ka dhacday duleedka Jowhar [Fahfaahin]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wararka laga helayo degaano duleedka galbeed ee degmada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo xoogan ka fuliyeen halkaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga ee ku sugan gobolka ayaa u sheegay xafiiska warqabadka Garowe Online ee Muqdisho in weerarka cirka ah lagu beegsaday goobo ay ku dhumaaleystaan xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ma cada khasaaraha ka dhashay duqaynta, inkastoo mas'uuliyiinta gobolka ay tibaaxeen inay wadaan qiimayn ku aadan waxyaaladda dhabta ah oo ay geysatay duqaynta oo ay fuliyeen diyaarado joog hoose ku duulaya.

Duqayntaan ayaa waxay imaaneysaa xili dhowaan Mareykanka uu shaaciyey inuu kordhinayo weerarada cirka ah ee uu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaasoo uu ku beegsanayo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weeraro badan oo diyaarado fuliyeen ayaa sanadihii lasoo dhaafey ka dhacay qeybo kamid ah Soomaaliya, oo ay kamid tahay Puntland, halkaasoo Mareykanka kuu beegsaday koox xiriir la leh Daacish.

Duqayntaan xalay ka dhacday degaano Galbeedka uga beegan Magaaladda Jowhar ayaa kusoo beegmaysa xili degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka ay ka socdaan Guluf ka dhan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacidda, ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM