Duqeymaha cirka oo joogto ka noqday gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay joogto ka noqday koonfurta gobolka Mudug, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa saddex weerar ka fuliyay degaano hoostaga degmada Xarardheere, halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 37 xubnood oo katirsan Kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay shalay AFRICOM.

Duqeymaha ayaa ka kala dhacay tuulooyinka Dabad-Shiil, Cadaleey, Maamiye iyo Kulu, oo dhamaantooda ay maamusho Al-Shaabab, waxaana AFRICOM ay sheegtay in duqeymahan ay gacan ka siisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka shacabk ah ee ku nool Koonfurta gobolka Mudug ayaa soo wajahday cabsi xooggan oo ku aadan duqeymaha diyaaradaha Mareykanka, kuwaasoo kasoo dhasha khasaarooyin rayidka soo gaara.

Waa duqayntii 4aad oo sanadkaan gudahiisa uu Mareykanka ka fuliyo gobolka Mudug xili bishii hore ay ahayd markii meel ku dhow degmada Xarardheere lagu dilay ku dhowaad 60 kamid ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa tan iyo markii Trump la doortay dhamaadkii 2016, waxa ay ciidamadiisa ka jooga Africa kordhiyeen weerarada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Kooxaha argagaxisada ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM