Duqeyn cirka ah oo ka dhacday J/Dhexe iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in deegaan ku dhow degmadda degmada ay ka dhacday Duqayn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal.

Weerarka waxaa lala eegtay sida dadka degaanka ay sheegeen goob Al-Shabaab dagaalyahanadeeda ku tababarto oo ku taalla Tuulada Xassan Kusoow oo ku dhaw degmada Saakow ee gobolka Jubba Dhexe.

Dadka degaanka oo qaarkood la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in duqayn oo ay fuliyeen diyaaradda aan la aqoonsan, balse loo maleynayo inay yihiin kuwa militeriga Kenya ayaa dhacay shalay gelinkii dambe.

Illaa hadda lama ogga bartilmaameedka iyo khasaaraha ka dhashay duqayntaan, balse, gobolka Jubbada Dhexe waxaa gebi ahaan maamusha Al-Shabaab, iyadoo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiye-yaasha sare ee Kooxda.

"Dhawaqa Gantaalo culus oo dhowr xabo ah, ayaa laga maqlay qeybo kamid ah degaanada ku dhow Saakow. Lama ogga khasaaraha iyo cidda lala beegsaday," Qof kamid ah dadka degaank ayaa sidaas u sheegay GO.

Duqaymaha inta badan ka dhaca Gabi ahaanba dalka Soomaaliya, waxaa fuliya diyaaradaha aan cidna wadin ee Mareykanka, kuwaasoo beegsada meelaha ay ku tuhmayaa in xubnaha Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

Al-Shabaab dhankooda wali wax war ah kama aysan soo saarin duqayntaan la sheegay inay maanta ka dhacay gobolka kaliya ee Soomaaliya gabi ahaantiisa gacantooda ugu jira, gaara ahaan Aaga Saakow.

Bilooyinkii udambeeyay kama dhicin Soomaaliya wax duqeymaha, iyadoona duqayntaan ay kusoo beegmayso weerar culus oo Sabtii lasoo dhaafay lagu qaaday Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha Soomaaliya, kaasoo dad badan lagu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM