Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Mudug [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliy - Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in howlgal dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyay tuulada Quy Cad, oo kaabiga ku haysa degaanka Caad oo ka tirsan gobolka Mudug ay ku dileen xubno ka tirsan xoogaga Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM, waxaa lagu sheegay in duqaynta oo lala beegsaday Kolanyo ay ku dhinteen sadex xunood oo kamid ah Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta inay maqleen daryanka ku dhowaad saddex Gantaal, kuwaasi oo ay hoosta ka xariiqeen inay ku kala dhaceen Saldhigyo ay Al-Shabaab leedahay iyo Gadiid dagaal oo ay kooxdu leedahay.

“Duqayn lagu taageerayey dadaalada dowlada Soomaaliya ee ciribtirka AlShabaab, oo uu Mareykanka fuliyay gobolka Mudug 27-da November [Talaadadii] ayaa lagu dilay saddex argagaxiso ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

AFRICOM ayaa meesha ka saartay in howlgalkaan ay waxyeelo kasoo gaartay dad Rayid ah, maadaama mararka qaarkood lasoo wariyo in duqaymaha Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ay shacab ku wax noqdaan.

Weerarkaan cirka ah ayaa imaanaya xili bartamahihi bishaan uu si lamid ah Mareykanka in ka badan labo duqaymo uu Al-Shabaab kula bartilmaameedsaday isla gobolka, halkaasi oo ku dilay ku dhowaad 40 xubnood.

Duqeynta waxa sidoo kale kusoo beegmaysaa xilli maalintii shalay uu Muqdisho soo gaarey Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, kaasoo kulamo la yeeshay Farmaajo iyo mas'uuliyiin katirsan wasaaradda difaaca Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM