Duulaanka DF ee maamulada oo laga digay in uu "awood-siiyo" Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Soomaaliya ayaa karaar-siisey duulaanka ay ku hayso dowlad goboleedyadda kasoo horjeeda xili ay calaamad su'aal dulsaaran tahay doorashooyinka 2020-21.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland, Cabdi Xuseen Maxamed, ayaa ka digay in talaabooyinkaas ay "awood-siiyaan argagixisada caalamiga ah".

"Hadii dowladda Soomaaliya sii wado la dagaalanka maamul goboleedyadda, Al-Shabaab waxay heli doonan fursad ay ku qabsadaan Soomaaliya," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Reuters.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa xukuumada federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha.

Jubaland oo si gaar ah muhiim u ah baacsiga Al-Shabaab ayaa noqdey maamulkii u dambeeyay ee Nabad iyo Nolol ay ku duushay.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili shalay uu magaalada Beledxaawo dagaal ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan labada dhinac. Iska-hor-imaadkaas wuxuu galaaftay nolosha in ka badan tobban ruux.

Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku yaala meel istaraatiiji ah, wuxuuna sohdin la leeyahay Kenya iyo Itoobiya. Si lamid ah waxaa ku taala dekada Kismaayo oo la xorreeyay 2012-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM