Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee garoonka Muqdisho oo baaqdey

Image
Talaabadan ayaa waxaa lala xiriirinayaa walaaca iyo digniin dhanka ammaanka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta tagi lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee  Aden Adde ee Muqdisho ayaa la joojiyey, sidda ay sheegayaan warar horudhac ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax fahfaahin ah ka bixin talaabadan oo baajisay safaro ay dalka ku imaan lahaayeen muwaadiniin badan ayna ku dhoofi lahaayeen kuwa kale.

Illo wareedyo ka tirsan saraakiisha shirkadaha diyaaradaha ayaa u sheegay Garowe Online in cabsi laga qabo weeraro Argagixiso awgeed ay u hakiyeen safarkooda qorsheysanaa maanta.

"Diyaaradaha Turkiga, Imaaraatka iyo Qatar ayaa dib-u-dhigay maanta duulimaadkooda, iyadoo wali aysan kala cadeyn shirkada Itoobiya oo jadwalkeeda wali dhegan yahay," ayuu yiri hal illo wareed.

Qatar Airways ayaa tagtay Jabuuti oo ay halkaas uga gudbi jirtay Muqdisho, laakiin hadda sida ka muuqata macluumaadka dhagsan wey joojisay usii gudubka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa xalay waxay faafisay digniin ku saabsan in weeraro ay maleegeyso Al-Shabaab ay ka dhici karaan meelo uu kamid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaylo-dhaanta Mareykanka oo si gaar ah lagula hadlay muwaadiniinta Ameerikaanka ah ayaa waxa ay ka timid kadib weerarkii xeyndaabka Madaxtooyada ee xalay kaas oo looa deegsaday madaafiic.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM