Eedeyn ay hawada marisay Dowladda Soomaaliya oo leyska fogeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kenya oo iska fogeysay eedeynta faragelinta madax banaanida Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay hadaladaas "kuwa lasoo dhoodhoobay oo salka ku haya danno siyaasadeed oo daahsoon".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in warqad ay arrintaas kaga cabaneyso u dirtay xukuumadda Muqdisho.

Qoraalkaas ayay xustay in ay kaga jawaabtay hadaladii uu Golaha Ammaanka u sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, Abuukar Daahir Cusmaan [Baalle].

Baalle ayaa tibaaxay in Kenya ay xasilooni darro ah ka abuureyso dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda hodanka ah ee Afrika.

"Kenya waxay diidan tahay eedeynta aan salka iyo baarka lahayn ee kaga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya; waa kicin la dhoodhoobay in aan faragelineyno arrimaha gudaha Soomaaliya," ayay xustay.

Dowladda Farmaajo ayaa la xusay in ay Kenya u adeegsaneyso "aalad ah marmarsiyo ugu raadineyso dalabka dadweynaha iyo talaabooyinka sharciyadda ah ee siyaasadda Soomaaliya".

Wargeyska maxaliga ah ee Daily Nation oo nuqul kamid ah warqadda helay ayaa warbixinta beeninta baahiyey, 1-dii Maaj, 2020.

Ugu dambeyntii, sidda ku xusan war-saxaafadeed oo dhowr bog ahaa, Kenya ayaa cod dheer ku codsatay in la joojiyo "ololaha hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu oor-kacsanayaan Kenya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM