Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xilka laga qaadayo

Image
Isbadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed oo la xiriira dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu bedelayo Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo UK u dhalatay.

Sababaha ka dambeeya ma cadda, waxay imaanaysa xili aan Catriona Laing aysan dhameysan muddo xileedkeeda. Ergayga cusub ayaa la filayaa inuu noqdo qof u dhashay Mareykanka.

Isbadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed oo la xiriira wax ka bedelka dhawaan lagu sameeyay dastuurka KMG ah, kaasoo Puntland ay diiday inay aqoonsato.

Sidoo kale, Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran uu baaqday sababo farsamo awgeed, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM