​Faah faahin dagaalka Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Xaaladda magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan dagan, balse waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah, kadib dagaal xooggan oo galinkii dambe maanta ka bilowday xaafadda galbeed magalada dhacda ee Howl-wadaag.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah, balse xiriiro kala duwan oo aan la samaynay dadka deegaanka iyo ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxay noo sheegeen inay dhinteen 4 qof oo shacab ah isla markaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa 5 kale.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo labo mallayshiyo beeleed dhawr jeer oo hore ku dagaallamay magalada Baladweyne.

Majirto cid soo faragalisay xiisaddaasi, laakiin goobta dagaalku kasocdo waxaa ku sugan maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamo katirsan AMISOM oo saldhig millateri ku leh xaafaddaasi.

Dagaalka ayaa iskiis u istaagay, maadama la galay waqti habeennimo ah, balse mallayshiyada ayaa weli isku horfadhiya Howl-wadaag.

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa hakaday, waxaana la sheegayaa dad ku xaniban suuqyada iyo goobaha ganacsi.

Waxgaradka Baladweyne ayaa diray baaqyo nabadeed, waxayna wadaan waan waan ku aadan sidii dagaalka loo qaboojin lahaa.

Dhawr jeer, waxaa fashilmay hishiisyo beelahaasi la dhex-dhigay, lamana garan karo sababta dib u soo celisay khilaafka beelaha ood-wadaagta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM