​Faah faahin shirka Muqdishu ka furmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Da'uud Aweys ayaa faah faahin ka baxshay shirka maanta magalada Muqdishu uga fumray madaxda Somalia, kaasi oo  looga hadlayo arrimaha kala duwan mudada kooban ee la qorsheeyay inuu Socdo.

Da'uud oo la hadlay Idaacadda Radio Garowe, ayaa tilmaamay in shirku si wanaagsan u socdo islamarkaana maanta looga dooday arrimo kala duwan oo ku jirto doorashada Somaalia qaabka loo wajahayo.

Wuxuu meesha ka saaray inaysan jirin wax is faham waa ah oo dhacay mudada kulanku socday isagoo sheegay inay horay madaxdu isu aragtay oo ka munaaqishoodeen arrimo kala duwan gaar ahaan kuwa madasha quseeya.

Aweys ayaa tilmaamay in kulanka lagu soo hadal qaaday xaaladda amniga iyo siyaasadda ku saabsan taasi oo sheegay in dowladda Somalia la kaashanayso maamullada qaybta ka ah Federalka.Wuxuu intaasi raacshay in sidoo kale madasha looga doodi doono dastuurka dalka oo muddooyinkii dambe muran ka taagnaa.

Afhayeen ayaa xusay in madaxdu kala qaateen dar-daaran khuseeay qaabkii madashan looga fogayn lahaa muran iyo is-qabqabsi islamarkaan si hufan loogu adeego shacabka Somaliyeed oo masiirkooda gacanta ugu jiray madaxda Muqdishu ku shiraysa.

Kulankan, ayaa qayb ka ah madallo horay uga dhacay qaybto kamid ah magaalooyinka dalka Somalia, waxaana la qorsheeyay inuu socdo muddo dhan saddex bari iyadoo gunanadka laga soo saari doono warmurtiyeed khuseeya waxa la isla gartay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM