Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo xalay Al Shabaab iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii xoogag katirsan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin AMISOM ku leedahay meel wax yar ka baxsan Ceelasha Biyaha.

Labada dhinac ayaa dhex-maray iska hor-imaad mudo 30 daqiiqo ah socday, kaasi oo ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in la iska-caabiyay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka soo qaadey.

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb-qaatey dahaalka, oo gurmad u sameeyay Askarta Burundi, ee lagu weeraray Saldhigga AMISOM.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM