Faahfaahin safarka Jawari ee Kismayo [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 January, 2016(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawari oo weheliyaan gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka iyo xubno kale ayaa maanta tagay magalada Kismayo xarunta Jubbaland isagoo kaqayb galaya shirka looga tashanayo hab raaca doorashada 2016.

Ra'isal wasaarahah Somalia, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno katirsan golayaasha maamulkaas ayaa kusoo dhaweyay xarunta Jubbada hoose, waxaana soo dhaweyn kadib warbaahinta lahadlay labada masuul iyagoo kawarbixiyay safarka Afhayeenka Barlamanka Somalia.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa tilmaamay inay ku faraxsanyihiin booqashada gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo markiisii kowaad tagay Kismayo, isagoo rajeeyay inuu kaga dambeeyo madaxda Somalida ee tagaya goobta looga hadlay doorashada Somalia.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo kamahad celiyay qaabka loo soo dhaweeyay ayaa tilmaamey inuu qorshaynayo safar kale oo isaga iyo xubno katirsan Barlamanka ku imaan doonaan magalada Kismayo isagoo tilmaamay inay muddo joogayaan.

Wuxuu rajo wanaagsan kamuujiyey maxsuulka kasoo baxaya shirka isagoo ALLE kabarayay inuu kadhigo mid khayr u horseeda ummadda Somaliyeed.

Waa safarkii ugu horeeyay ee gudoomiyaha Barlamanka Somalia kutago magalada Kismayo, wuxuuna qayb kayahay madaxda kale ee dowladda Federalka iyo maamullada dalka ee kusugan xarunta KMG ee Jubbaland halkaas oo barri kafurmi doono shir looga hadlay habraaca doorashada sannadkan dhici doonta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM