Faahfaahin safarka Jawari ee Kismayo [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 January, 2016(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawari oo weheliyaan gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka iyo xubno kale ayaa maanta tagay magalada Kismayo xarunta Jubbaland isagoo kaqayb galaya shirka looga tashanayo hab raaca doorashada 2016.

Ra'isal wasaarahah Somalia, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno katirsan golayaasha maamulkaas ayaa kusoo dhaweyay xarunta Jubbada hoose, waxaana soo dhaweyn kadib warbaahinta lahadlay labada masuul iyagoo kawarbixiyay safarka Afhayeenka Barlamanka Somalia.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa tilmaamay inay ku faraxsanyihiin booqashada gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo markiisii kowaad tagay Kismayo, isagoo rajeeyay inuu kaga dambeeyo madaxda Somalida ee tagaya goobta looga hadlay doorashada Somalia.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo kamahad celiyay qaabka loo soo dhaweeyay ayaa tilmaamey inuu qorshaynayo safar kale oo isaga iyo xubno katirsan Barlamanka ku imaan doonaan magalada Kismayo isagoo tilmaamay inay muddo joogayaan.

Wuxuu rajo wanaagsan kamuujiyey maxsuulka kasoo baxaya shirka isagoo ALLE kabarayay inuu kadhigo mid khayr u horseeda ummadda Somaliyeed.

Waa safarkii ugu horeeyay ee gudoomiyaha Barlamanka Somalia kutago magalada Kismayo, wuxuuna qayb kayahay madaxda kale ee dowladda Federalka iyo maamullada dalka ee kusugan xarunta KMG ee Jubbaland halkaas oo barri kafurmi doono shir looga hadlay habraaca doorashada sannadkan dhici doonta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM