Fadhiga Aqalka Hoose ee Soomaaliya oo Baaqdey , Kulamo Muqdisho ka Socda
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa baaqdey maanta kulankii Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya isugu imaan lahaayeen sababo aan la shaacin dartood iyadoo badalkeeda magalaada Muqdisho ka socdaan kulamo u dhexeeya xubnaha golaha shacabka ee wada mooshinada kala duwan.
Habeenkii xalay ayaa shir jaraa’id uu qabtey Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku sheegey inuu aqabaley mooshinka laga keeney horey u socdo hadii uu buuxiyo shuruudaha sharciga qabo halka dhinaca kale ku eedeeyey markii ugu horeysay in Xukuumada Ra’isal wasaare Khayre ka dambeyso xil-kaqaadista la rabo in lagu sameeyo.
Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo xubno ka tirsan Xildhibanada ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya kulan la qaatey habeenkii xalay Madaxweyne Farmaajo kana codsadey inuu dhexdhexaadin ka sameeyo khilaafka taagan.
”Waxaa Gudoomiyaha u muuqatey in Xildhibanada diidan sii kordhayaan waana midda khasabtey in habeenkii xalay aqabalo mooshinka laga soo gudbiyey isagoo dhinaca kale ka codsadey Madaxweyne Farmaajo In arinkaan soo faragaliyo .” Sidaas waxaa GO u sheegey Xildhibaan diidey in aan magaciisa xusno.
Xildhibankaan ayaa sheegey ineysan ogoleyn wax dhexdhexadin ah islamrkaana wadayaan mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka Aqalka Hoose ee Soomaaliya Maxamad Cismaan Jawaari.
Dhinaca kale waxaa kulan uga socdaa Villa Hargeysa Xildhibaanda gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari kuwasoo sida GO loo xaqiijiyey ku fadhiya 116 mudane.
Lama oga xiliga uu dib u furmayo golaha balse sida wararka aan helyno ayaa Sheegaya iney ku xiran tahay gudoonka Barllamanka Federalka Soomaaliya oo dhinacooda ku kala qaybsan khilaafka taagan.
Warsidaha GO oo wax ka waydiiyey mudane aan qayb ka aheyn mooshinkaan taagan, halka khilaafka taaagan ku dhamaanayo ayaa waxaa uu sheegey iney adag tahay in Xafiiska Ra’isal wasare Khayre helaan 184 cod ay xilka kaga qaadaan Gudoomiyaha Barlamanka balse laga yaabo in murankaan jira muddo socdo hadii aysan imaan dhexdhexaadin.
Wararka laga helayo loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho ayaa sheegaya in ay jiraan lacago farabadan oo lagu baxshey mooshinadaan iska soo horjeeda 24 saac ee la soo dhaafey kuwasoo lagu kala xoxodanayo Xildhibanada Barlamaanka iyadoo qolo walba raadinayo iney hesho tirada ugu badan ee Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya ayaa waxaa ragaadiyey khilaafyada siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda ugu sareysa hay’adaha dowlada kuwasoo markii muddo xilka hayaan bilaabo iney iska takkhalusaan siyaasiyan.
GAROWE ONLINE