Fahad Yaasiin oo u goodiyay Xildhibaan su'aal adag waydiiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Xaaji Daahir, ayaa ugu goodiyay in uu sharciga la tiigsanayo Xildhibaan su'aal ka waydiiyay tuhuno isaga laga qabo iyo eryidii sarkaal kamid ahaa hay’adda.

Waydiimaha oo Fahad la hor-dhigay intii uu socday kulankii Axada maanta ah ee su'aalaha lagu waydiinayay madaxda laamaha amaanka ayaa ku qotomay sarkaal laga eryay NISA iyo in uu isaga gacan saar la leeyahay Shabaab.

Bishii September 2018-kii ayay ahayd markii Sarreeye Guuto, Cabdalla Cabdalla, uu ku waayey xubinimadii NISA markii uu sirta hay’adda si ola kac ah dibada ugu soo bandhigay, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Anshaxa NISA.

Jenaraal Cabadalla oo iska fogeeyay eedaymahaasi ayaa si lamid ah tilmaamay in Fahad Yaasiin uu cilaaqaad la leeyahay kooxaha argagaxisada ah ee dagaalka adag kula jira dowladda.

Sii haayaha jagada agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin oo difaacay eryidii Cabdalla isagoo qiil dhiganaya sababtaasi darteeda ayaa ku sifeeyay su'aasha ku saabsan in uu xiriir la leeyahay argagixisada "gaf laga galay xuquuqdiisa muwaadnimo."

Mr Fahad ayaa ka codsaday Xildhibaanka - Saabir Gaashaan – in uu raalin ka siiyo su'aashaasi "hadii kale uu sharciga la tiigsanayo."

Warar la helay oo goor dambe soo baxay ayaa ku waramaya in sharcidejiyaha uu isla markiiba ku gacan-seyray codsiga Fahad Yaasiin.

"Hay’adda waa la xormo dareeyay – Golihiina ma uqalmo in su'aal noocaan ah la isku dhex-waydiiyo," ayuu ku cataabay, sidda laga soo xigtay cod si qarsoodi ah looga duubay maadaama kulanka saxaafada loo diiday.

Agasimahii hore ee Villa Soomaaliya ayaa geesta kale waxa uu codkiisa ku xoojiyay "inay sax ahayd" in warbaahinta laga mamnuuco fadhiga, "maadaama su'aalahaan oo kale la waydiin lahaa."

"[Arrimahaan] waxay kamid yihiin kalsooni darida lagu sameynayo hay’adda, oo ay Xildhibaanadu qayb ka yihiin," ayuu daba dhigay hadalkiisa, isaga oo u muuqda mid raadinaya in laga joojiyo "dayaacada".

Ugu dambeyntii, taliyaha NISA, wariye ka tirsanaa qaybta Carabiga ee Tv-ga Al Jazeera, ayaa dhinaca uga beeray hay’adda uu madaxda u yahay in ay qayb ka ahayd xarigii Mukhtaar Roobow.

Sikastaba, tani ayaa muujineysa in Fahad Yaasiin uu si adag uga fal-celiyay su’aalo waydiinta Xildhibaanada Aqalka Hoose, oo inta badan su'aalayay wasiirka amniga iyo taliyaha NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM