Fahfaahin: Duqeyn ka dhacday meel ku dhaw Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa Duqeyn dhanka cirka ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacday meel ku dhaw magaalada Muqdisho, taasi oo lala eegtay xubno katirsan Al Shabaab.

Duqeynta waxaa fulisay diyaarad Drone ah, waxaana lala eegtay Kolonyo ay la socdeen saraakiil Al Shabaab xilli ay marayeen deegaanka Ilimey, oo 130Km dhanka koonfur galbeed uga beegan Muqdisho.

Illo-wareedyo ku sugan gobolka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 qof oo la socday gaadiidka la bartilmaameedsaday ay ku dhinteen weerarka, iyadoo aan wali la shaacin magacyada hogaamiyaasha Al Shabaab ee lagu dilay duqeynta.

Ilimey waxay ku dhawaad 10Km dhank koonfur uga beegan tahay deegaanka Farsooley, oo ah saldhig weyn oo la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al Shabaab.

Cali Max'med Xuseen [Cali Jabal], oo ahaa madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa weerarada Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay duqeyn noocan ah oo gaari uu watay lagula eegtay duleedka Tooratoorow 30-kii bishii July ee lasoo dhaafay.

Al Shabaab iyo maamulka gobolka Shabeellaha hoose kama aysan hadlin duqeynta.

Lama oga dowladda fulisay duqeynta, balse Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe weeraro joogto ah ka gaysanayay Koonfurta iyo deegaano ku yaalla Puntland, kuwaasi oo uu la eegtay Al Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM