Fahfaahin ku saabsan socdaalka wafdiga Talyaaniga ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed, ayaa shalay ku soo dhoweeyay Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho dhiggiisa Talyaaniga, Elisabetta Trenta.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka qotada dheer iyo xoojinta iskaashi wadaagga labada dal u dhexeeya oo ay ku jirto dib uga howlgalidda sidii loo taaba-gelin lahaa heshiisyada la xiriira gaashaandhigga ee labada dal ay hore u kala saxiixdeen.

Elisabetta Trenta waxaa ku wehlinayay booqashadeeda Taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada dalka Talyaaniga, oo isna la kulmay dhigiisa Soomaaliya, Indha-Qarshe.

Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay xoojiso ciidankeeda qaran iyadoo kaashanaysa isbahaysigeeda si ay u fuliyaan howlgallo amni oo dhabarka looga jebinayo argagaxisada, laguna ilaalinayo soohdinadda beriga, badda iyo cirka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Cabdullahi Xaamud, Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi.

Waa booqashadii ugu horeysay oo mud sanado badan ah oo mas'uul sare oo heerkan, islamarkaana ka socoto Talyaani uu yimaado dalk Soomaaliya, oo horey u gumeysteen.

Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Yurub ee safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana ay ka caawiyaan dowladda Federaalka dib u dhiska ciidamada xoogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM