Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image

 

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoog leh ayaa goordhaw laga maqlay magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya xilli wadooyinka ay ku dibadbaxayaan arday ka caraysan Imtixaanka la baabi'iyay.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo ka dhacay xarunta degmada Wardhigleey, oo ku dhaw Villa Somalia.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamida Caasimadda, iyadoo cirka isku shareeray qiiq iyo uur madow, waxaana soconaya rasaas xoogan, oo ay ridayaan ciidamada ilaalada xarunta degmada.

Qaraxan ayaa qeyb ka ah falal amni darro oo ka dhacaya Muqdisho, oo ah xarunta ay degan tahay dowladda Federaalka, sidoo kalena ay ku sugan yihiin ciidamo ajnabi ah oo xafiisyada madaxda sare ilaalinaya.

Lama oga illa hadda khasaaraha ka dhashay weerarka, balse gaadiidka gurmadka ayaa goobta gaarey oo u daabulaya dhaawacyada Isbitaallada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM