Falanqeyn ku saabsan safarka Farmaajo ee Jabuuti [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho dhowr ujeedo xambaarsan ku tagey shalay Jabuuti, kadib markii uu ka xumaaday hadal uu dhawaan isaga Asmara ka jeediyay.

Safarka Farmaajo ayaa dhalilay hadal-heyn badan, maadaama uu kusoo beegmay xilli xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu meeshii ugu hooseysay gaarey kadib booqashadii Madaxweynaha ee Eritrea bishii July.

Jabuuti ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii Muqdisho, wax yar kadib markii uu Farmaajo uu Qaramada Midoobey ugu baaqay inay xayiraadda ka qaadaan Eritrea, hadalkaasi oo Xukuumadda Jabuuti sheegtay inay ka naxday, oo lama filaana ku noqday.

Siyaasiga Maxamed Cabdi Wahaab, oo wareysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa si qoto-dheer u falan-qeeyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku micneeyay mid loo baahnaa, oo waqtigeeda yimid.

Mar wax laga waydiiyo in booqashada Jabuuti ay tahay mid uu doonayo Farmaajo inuu kasooo raali-geliyay Ismaaciil Cumar Geelle, hadii uu ka jeediyay Asmara ee ku baaqay in Cunaqabateynta, ayuu ku jawaabey "Waa noqon kartaa."

Maxamed oo horey usoo noqday Agaasiimiha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, gaar ahaan dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in Jabuuti ay tahay walaal aan la lumin karin.

"Aniga waxaan u arkaa in Madaxweyne Soomaaliya haddii markii uu joogay Eritrea ay hoos baxday in hadda inuu ka odiyeeyo waa arin mudan, waana arin u baahan in lagu bogaadiyo," ayuu yiri Maxamed.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay door ka qaadan doonto islamarkaana dedaal ay ku bixinayso in heshiis la dhex-dhigo Eritrea iyo Jabuuti, maadaama gobolka Geeska Africa hadda uu ka socdo Isbedel.

Siyaasiga ayaa aaminsan in Soomaaliya ay mudan tahay inay dhex-dhexaadan ka noqoto khilaafka Jabuuti iyo Eritrea, maadaama labada dal uu kala dhaxeeyo xiriiro taariikhi ah, oo midna lala safan karin.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelley ayaa ka arrinsadeen kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

HOOS KA DAAAWO GORFEYNTA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

IGAD oo ka hadashay magacaabista Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ahmed Moallim Fiqi, oo horey u soo noqday Madaxa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 08:41AM

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM