Fariin uu soo diray Boqor Salman oo lasoo gaarsiiyay Farmaajo [DAAWO]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu horkacayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Africa ee Boqortooyadda Sacuudiga, Ahmed bin Abdulaziz Kattan ayaa shalay soo gaarey magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiiru dowlaha ku qaabiley Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay yeesheen kulan gaaban oo ay ka qeybgaleen Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubo kale.

Ahmed bin Abdulaziz Kattan ayaa u gudbiyay Farmaajo Fariin qoraal ah uu uu ka wadey Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/Casiis, iyadoo uu ka laabtey isla Garoonka Muqdisho, iyadoo uu diiday inuu u gudbo Villa Somalia.

Villa Somalia ma aysan fahfaahin waxyaabaha ay xambaarsan tahay fariinta boqor Salman ee loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sacuudiga ayaa hoos u dhigay xiririka dowladda uu hogaamiyo Farmaajo islamarkaana hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray kadib markii Villa Somalia ay dhinaca Qatar u janjeertay markii uu billowday Khilaafkii dalalka Khaliijka June 5, 2017.

HALKAN KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo Sii Xoogeysanaya, Halista Amniga Geeska Afrika 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah ugu eedeeyay kooxda Xuutiyiinta — oo taageero ka hesha Iran.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 05:38PM

Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenkii Jubaland oo geeriyoodey

Geeridiisu waxay tahay khasaare weyn oo soo gaaray Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ilaahay ha u naxariisto.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 04:33PM