Farmaajo: AS waxay qaraxii Liido ku muujiyeen diin la'aantooda

Image
Xeebta Liido ayaa si ka duwan habeenada kale waxay Jimcaha tahay mid mashquul badan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay weerarkii xalay ay Al-Shabaab ka fulisay xeebta liido ee Muqdisho.

Farmaajo oo tacsi u diray ehelada dadka geeriyoodey ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in aysan soo laaban weerarada noocaan ah isla markaana ay shacabka la shaqeeyaan laamaha amniga.

Shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed oo idil waxaan uga tacsiyeynayaa dadkeenna ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee caawa ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la'aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga.

Alle ha caafiyo muwaadiniinta ay soo gaareen dhaawacyadu, marxuumiinta biri ma geydada ah ee ina ka shahiidayna hoygooda ha ka yeelo Jannatul Firdowsa. Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 ruux kale. Xeebta Liido ayaa habeenka Jimcaha ah mid mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM