Farmaajo: AS waxay qaraxii Liido ku muujiyeen diin la'aantooda

Image
Xeebta Liido ayaa si ka duwan habeenada kale waxay Jimcaha tahay mid mashquul badan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay weerarkii xalay ay Al-Shabaab ka fulisay xeebta liido ee Muqdisho.

Farmaajo oo tacsi u diray ehelada dadka geeriyoodey ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in aysan soo laaban weerarada noocaan ah isla markaana ay shacabka la shaqeeyaan laamaha amniga.

Shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed oo idil waxaan uga tacsiyeynayaa dadkeenna ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee caawa ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la'aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga.

Alle ha caafiyo muwaadiniinta ay soo gaareen dhaawacyadu, marxuumiinta biri ma geydada ah ee ina ka shahiidayna hoygooda ha ka yeelo Jannatul Firdowsa. Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 ruux kale. Xeebta Liido ayaa habeenka Jimcaha ah mid mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM