Farmaajo iyo Abiy Axmed oo ka degay magaaladda Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa gaarey magaaladda Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Arbaco ah ay la kulmaan hogaamiyaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ujeedka safarka Farmaajo uu qayb ka yahay dadaalada nabadeynta iyo iskaashiga gobolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay dooneyso in dhexdhaxaadiso Muqdisho iyo Nairobi oo uu khilaaf ka dhaxeeyo. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Labadda dal dariska ah ayaa isku haysta muran dhul badeed gaar ahaan goob la sheegay in ay qanni ku tahay noocyo kamid ah kheyraadka.

Cabdinuur Maxamed Axmed, afhayeenka Farmaajo ayaa xaqiijiyay in ujeedka socdaalkaan ay qayb ka tahay soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya oo meeshii ugu hooseeyay maraya.

Tani ayaa ka dambeysay markii Kenya ay soo eriday safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, iyada oo u yeertay wakiilkeeda Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in muranka badda ay go’aankiisa ka sugeyso maxkamada cadaalada aduunka halka Kenya lagu eedeeyay inay rabto in si hoose loo dhameeyo kiiskaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM