Farmaajo iyo Deni oo wada hadal dhinaca telefoonka ah yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo maamulka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa wuxuu tilmaamay in dowladda "ay aad uga xun tahay" xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso ee la xiray Khamiistii.

Sidda ku xusan bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya, waxa uu ka dalbaday Madaxweynaha dowladda Puntland in xubanaas si shuruud la'aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii'da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

Wada hadalkan dhanka talafoonka ah ee dhex-maray labada mas'uul ayaa kusoo beegmaya iyadda oo xiriirka maamulkan iyo Villa Soomaaliya uusan hagaagsaneen tan iyo shirkii burburay ee Garowe.

Shaqsiyaadka lagu xiray xarunta gobolka Bari ayaa xabsiga loo taxaabay markii ay qabteen lacag ka timid dowlada federaalka, taasi oo ay diideen in ay dib u celiyaan.

Puntland ayaa Jimcadii qaadacday guddigii uu Farmaajo u magacaabay wada hadaladda dowladda federaalka iyo Somaliland, kaasi hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM