Farmaajo iyo Deni oo wada hadal dhinaca telefoonka ah yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo maamulka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa wuxuu tilmaamay in dowladda "ay aad uga xun tahay" xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso ee la xiray Khamiistii.

Sidda ku xusan bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya, waxa uu ka dalbaday Madaxweynaha dowladda Puntland in xubanaas si shuruud la'aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii'da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

Wada hadalkan dhanka talafoonka ah ee dhex-maray labada mas'uul ayaa kusoo beegmaya iyadda oo xiriirka maamulkan iyo Villa Soomaaliya uusan hagaagsaneen tan iyo shirkii burburay ee Garowe.

Shaqsiyaadka lagu xiray xarunta gobolka Bari ayaa xabsiga loo taxaabay markii ay qabteen lacag ka timid dowlada federaalka, taasi oo ay diideen in ay dib u celiyaan.

Puntland ayaa Jimcadii qaadacday guddigii uu Farmaajo u magacaabay wada hadaladda dowladda federaalka iyo Somaliland, kaasi hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM